Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddiga Amniga doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sameeyay guddiga Amniga doorashada, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amniga doorashooyinka dalka.

Guddiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay Taliyeyaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska AMISOM, waxayna dhammaantood ku shaqeyn doonaan awaamiirta Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnaha Guddiga Amni ayaa waxaa ay  qorsheynayaan oo ay hagayaan hannaanka amniga doorashada, iyaga oo sidoo kale dejinayaa qorshaha amniga Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

PUNTLAND POST