Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa xalay bilowday hawlgal ariga looga saarayo xaafadaha caasimadda.
Shaqaalaha iyo ciidanka dowladda hoose, ayaaa xalay gudaha magaalada ka uruuriyay ari badan oo habeenkii darbiyad ku hoyan jiray, kadib amarkii ka soo baxay duqa degmada Garoowe.
Dowladda hoose ayaa sheegtay in arigaas uu caqabad ku yahay bilicda iyo nadaafadda caasimadda, islamarkaana xaalufinayo dhirta lagu beero xaafadaha.
Garoowe waxa socda barnaamij la magac-baxay cagaarinta caasimadda, kaas oo la doonayo in dhir badan lagu beero, si loo hagaajiyo bilicda magaalada.
PUNTLAND POST