Xisbiga Waddani oo ku guulaystay Maayirka degmada Laascaanood

Maayirka cusub ee Laascaanood

Xubnaha Golaha Degaanka degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo ka kooban 13 xubnood, ayaa Saaka Maamul cusub u doortay degmadaas.

Golaha Degaanka Laascaanood, waxay Maayirka cusub u doorteen Cabdiraxiim Cali Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Sidoo kale, waxay Maayir ku xigeenka degmada Laascaanood u doorteen Axmed Maxamed Cumar (Kawte), oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.

Labada Xisbi mucaarad ee Somaliland UCID iyo Waddani ayaa dhowaan samaystay is-baheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, kadib doorashadii Golayaasha Degaanka iyo Wakiilada.

PUNTLAND POST