Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomalaiya Mohamed Abdirizak, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay fursadaha iskaashiga laba geesoodka ah oo ka dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale wadatashiyo ku saabsan arrimaha danta guud.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray qaababka loo taageeri karo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si loo waafajiyo himilooyinka labada dal.
PUNTLAND POST