Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee (TPEC) ayaa maanta shaaciyay wakhtiga ay soo bandhigayaan Liiska hordhaca ah ee codbixiyaasha degmooyinka Qardh, Eyl iyo Ufayn.
Saddexdaas degmo, waxa si hordhac ah looga qaban doonaa doorashooyinka golayaasha degaanka Puntland oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod.
Guddiga ayaa go’aamiyay in liiska codbixiyaasha degmooyinkaas la soo bandhigo 27-ka bisha June 2021, islamarkaana lagu soo bandhigo hoolka hotel Martisoor ee caasimadda Garoowe.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.