
Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa howlgal ku dilay ilaa 15 ka tirsan Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha Ciidankaas.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii Alshabaab ay 3 jeer isku dayeen in ay xalay gudaha u galaan saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin degmadaasi Diinsoor ee gobolka Bay.
Saraakiisha ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-shabaabkii weerarka soo qaaday halkaasi looga dilay 15 xubnood halka qaar kalena laga dhaawacay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.