
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax-dhigay dib udhis iyo dayactir lagu samaynayo si casri ahna loo dhisayo Cisbitaalka Guud ee Magalaada Garowe.
Waxaa xaflada lagu dhaggax dhigayay ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Nugaal Cawali Ahmed Jabuuti,Duqa magaalada Garowe Ahmed Siciid Muuse iyo Madaxa Hay’adda UNICEF Puntland Rahama.
Waxaa ugu horayn ka hadlay duqa caasimada Ahmed Siciid Muuse oo soo dhaweeyay muujiiyay muhiimada mashruuca maanta la dhaggax dhigay in loo dhisayo cisbitaalka si casri looga dhigayo cisbitaalka qabta adeegyada looga baahanyahay.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Ahmed Jabuuti ayaa isna hadal kooban oo ka jeediyay kaga hadlay muhiimada uu uleeyahay cisbitaalkaan Gobolka iyo sida uu uga rajaynayo in laga helo adeegyada looga baahanyahay cisbitaal dawli ah. Wasaaradda ayuu ku amaanay sida ay meel kasta oo uu booqday oo Gobolka ka mid ah u gaartay shaqo la taaban karana uga qabatay.
Dr Rahama Madaxa hay’adda UNICEF Puntland oo isna madasha ka hadlay ayaa yiri:-
Mudane Madaxweyne mudane wasiir waxaan ku faraxsanahay inaan maanta dhagax dhigayno mashruuc balaaran oo wax looga qabayo cisbitaalka garowe laguna doonayo in uu la jan qaado kuwa aduunka.
“Waxaan uga mahadcelinayaa dawlada Garmalka oo dhaqaalaha bixisay iyo masuuliyiinta wasaaradda oo muujiyay ka go’naanshaha hirgalinta mashruucaan, waxaan rajaynayaa marka uu dhamaado inuu wax weyn ka badali doono caafimaadka bulshada gaar ahaan Hooyada iyo ilamaha.” ayuu sii raaciyay Dr Rahama
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Jamac Faarax Xasan oo isna ka hadlay xaflada ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in maanta la dhaggax dhigayo cisbitaalka magaalada Garowe oo ka mid ah cisbitaalada ugu waaweyn ee ku yaala Puntland, waxa uu uga mahadceliyay wadanka Garmalka hay’adda UNICEF iyo shirkada dhisaysa siday kaalintooda u qaateen.
Wasiirka ayaa balan qaday in marka dhismaha uu dhamaado la qalabayn doono shaqadii uu qaban jiray ka badana uu qaban doono.
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ugu danbeyn ka hadlay xaflada ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Bulshadu hesho Isbitaal weyn oo casri ah oo adeegyada Caafimaad bixiya, wuxuuna u mahadceliyay dowladda Germany oo Puntland ka caawinaysa dhismaha Isbitaalkan iyo Hay’addaha Wasaaradda Caafimaadka la shaqeeya sida UNICEF oo fulinaysa dhismaha.
Dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe wuxuu ka mid yahay baahiya Bulsho oo dowladdu ka jawaabtay, si dadweynaha reer Puntland u helaan xarun Caafimaad oo dhameystiran oo baahidooda ka haqabtirta.
Halkaan ka daawo Muuqaalka iyo Sawirada






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.