Wadaad mayal adag oo ku guulaystay madaxweynaha waddanka Iran

Ebrahim Raisi oo ah wadaad mayal adag ayaa maanta oo Sabti ah la shaaciyay  in uu ku guuleysanayo doorashadii madaxtinimada ee Jimcihii shalay ka dhacday waddanka Iran.

 In ka badan 28 milyan oo kamid ah dadweynaha Iran oo shalay codadkooda ka dhiibtay doorashada ayaa natiijada horudhaca ah muujinayso Mr. Raisi wuxu ka helay ku dhowaad 18 milyan oo cod.

Raisi ayaa ku guuleystay 62 boqolkiiba codadka dadweynaha oo ilaa iyo hadda la tiriyay 90 boqolkiiba, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan kooxaha doorashada isaga oo aan shaaca ka qaadin tirada saxda ah ee dadka u soo baxay doorashada.

Ibrahim Raisi oo ah 60 jir ayaa ka mid ah culimada ugu caansan Shiicada, wuxuuse ku jiraa liiska saraakiisha Iran ee uu Mareykanka cunaqabateynta saaray, ka dib markii lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

PUNTLAND POST