Madaxweynaha Nigeria oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Boko Haraam

Madaxweynaha waddanka Nigeria Muhammadu Bukhari ayaa ku baaqay in ciidamada dalkiisa ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah  kooxda Boko Haraam.

Madaxweynaha ayaa booqasho ku tagay magaalada Mayduguri ee xarunta Gobolka Borno, oo dhacda waqooyiga-bari dalka Nigeria , halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxda Boko Haram, waana goobaha ay inta badan ka sameeyaan  dhaq dhaqaaqyada.

Sidoo kale Muhammadu Bukhari ayaa shalay khudbad ka hor jeediyay cutubyo ka tirsan ciidanka Nigeria, kuwaasoo  dhawaan  bilaabi doona Hawlgallo ka dhan ah kooxda maleeshiyaadka ee Boko Haraam gaar ahaan,kuwa ku sugan Gobolka Borno.

Madaxweynaha aya muujiyay sida uu u daneynayo  in la soo afjaro dagaalka ka dhanka ah  kooxa Boko Haraam iyadoo la soo celinayo nabadda iyo dib u dhiska dhamaan goobihii ay dhibaatadu ka dhacday.

PUNTLAND POST