Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday diidmadeeda ku aadan la macaamilka ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Itoobiya, kadib markii Wasiirka arrimaha dibadda Finland uu booqday Itoobiya, kaasi oo warbixin siiyay Baarlamaanka Yurub.
Bayaan ka soo baxay Xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu dhaleeceyay hanaanka wakiilnimo sarkaalka reer Yurub ay u wakisheen doorashooyinka Itoobiya.
Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhamaan dhinacyada isku haya gobolka Tigre ay sameyeen falal xadgudub ah, iyagagoo xusay in eedda inteeda badan ay leeyahiin ciidamada Itoobiya iyo Eriteriya oo loo haysto go’doomin iyo kufsi wadareed.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa bilaabay olole ay ciidanka federalku ku qaadayaan Gobalka Tigre si ay hubka uga dhigaan hogaamiyaasha Jabhadda Xoreynta Shacbiga Tigre, isagoo ku eedeeyay kooxdan inay weeraro ku qaadeen xeryaha ciidanka.
PUNTLAND POST