
Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo Galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, ayaa si adag uga horyimid Xeer lagu mamnuucay Gudniinka Gabdhaha, kaas oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Xukuumadda Puntland.
Boqorka ayaa sheegay in wakhti badan lagu bixiyay, sidii Puntland looga joojin lahaa Gudniinka Fircooniga ee Xaaraanta ku ah Diinta Islaamka, islamarkaana dhibaatada ba’an ku haya Gabdhaha Soomaaliyeed.
Balse, wuxu tilmaamay in aan cidna laga yeeli doonin in ay mamnuucdo Gudniinka Sunniga ah ee ku bannaan Diinteenna Islaamka, maadaama cidna aysan jirin cid awood u leh in ay mamnuucdo shay Ilaahay jideeyay.
Boqorka ayaa ugu baaqay dadka Arrintaas ku kacay in ay ilaahay uga toobad keenaan Gefka ay ka galeen Shareecada Islaamka.
Halkaan ka daawo Muuqaalka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.