Taliye ku dhaawacmay qarax ka dhacay degaanka Biya-cadde ee Gobolka Shabeelada dhexe

Wararka ka imaanaya degaanka Biya-cadde, oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya, in qarax xooggan lagu weeraray saldhig Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin degaankaas.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh ayaa ka dhashay weerarka, oo loo adeegsaday gaari weyn oo qaraxyo laga buuxiyay.

Col. Saneey Cabdulle oo kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii mudda-kororsiga diiday, ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.

Sidoo kale, weerarka waxa ku dhintay afar askari oo ka tirsan ciidanka Milatariga, halka qaar kalena ku dhaawacmeen.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, sida lagu qoray warbaahinta taageerta ururkaas.

PUNTLAND POST