Maamul KMG ah oo loo magacaabay Degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maamul ku meelgaar ah u magacaabay degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal.

Cabdisiciid Faarax Maxamed oo loo garan-ogyahay Cabdisiciid Araab ayaa si ku meelgaara loogu magacaabay guddoomiyaha degmada Godobjiraan.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Godobjiraan ayaa loo magacaabay Axmed Faarax Maxamed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa dhawaan ku guuldareysatay in ay gole deegaan u dhisto degmada Godobjiraan.

PUNTLAND POST