Galmudug oo gudbiyay liiska xubnaha la beddelay ee guddiyada arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyay liiska xubnaha laga beddelay guddiga doorashooyinka ee cabashada laga keenay.

Xubnaha la soo bedelay ayaa ah affar xubnood oo ku jira guddiyada doorasho Heer Federaal, heer Goboleed iyo hal xubin oo ah Xallinta Khilaafaadka.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa noqday maamulkii u dambeeyay ee soo dhammaystiray xubnaha isbeddelka lagu sameeyay guddiyada arrimaha doorashada.

Halkaan ka akhriso magacyada

PUNTLAND POST