
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster.
Kulankaan dhexmaray Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Safiirka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka, ilaalinta qoondada haweenka Soomaaliyeed, Amniga, Bini’aadanimada iyo dhismaha Golayaasha Degaanka.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Safiirka la wadaagay baaxada dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha Wabiga shabeelle, isagoo ugu baaqay in loo gurmado dadkii ka barakacay fatahaadihii ka dhacday Hirshabeelle oo dhibaato xoogan heysato.
Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dowladda Ingiriiska ka dalbaday taageerada tababarada ciidamada booliiska iyo Daraawiishta si ay ugu filnaadaan amniga guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.