Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Arbaco ah ku wajahan magaalada Dhuusamareeb.
Wefdiga ayaa sida qorshaysan kulan la qaadan doona Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyiinta Xukuumaddiisa.
Labada dhinac ayaa la filayaa in ay ka wada-hadlaan xaaladda Galmudug iyo guud ahaan Arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Galmudug oo ku sugnaa Muqdisho ayaa shalay gelinkii dambe ku laabtay magaalada Dhuusamareeb.
PUNTLAND POST