Deni oo xariga ka jaray xarun loo dhisay Wasaaradda Waxbarashada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare taasi oo loogu talagalay inay noqoto qeybta Imtixaanaadka ee Wasaaradda.

Madaxweyne Deni ayaa warbixin ka dhegaystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, kadibna wuxuu kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha xarunta.

Madaxweyne Deni ayaa goobjoog ka noqday, munaasabad ay dhismaha xarunta kula kala wareegeen Wasaaradda Waxbashada Puntland iyo hay’adda Save The Children oo maalgelisay.

Ugu danbeyna madaxweynaha Puntland ayaa abaalmarino guddoonsiiyay mas’uuliyiintii iyo howl-wadeenadii shaqada qabtay.

PUNTLAND POST