Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland.
Khudbaddiisa Dastuuriga ah wuxuu Madaxweyne Deni kaga hadlay Arrimaha uga qabsoomay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda Puntland, arrimaha bulshada, Kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta degmooyinka iyo Doorka Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo Doorashada Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Baarlamaanka, Mudaneyaasha Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo iyo Marti sharaf kale.






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.