Duqayn dad lagu laayay oo ka dhacday magaalada AFRIN

Hawl-wadeeno Caafimaad iyo Bukaan ayaa lagu dilay Duqeyn Madaafiic ah oo lala eegtay Isbitaal ku yaalla Degmadda AFRIN ee Waqooyiga dalkaasi, una dhow Xuduudka Turkiga.

Ugu yaraan 13 qof oo 2 ka mid ahaayeen Shaqaalaha Caafimaadka ayaa lagu dilay Duqeymahaasi, halka 27 kalena lagu dhaawacay.

Hay’ad Maraykan  oo taageero Adeeg Caafimaad siisa  Xarumaha Caasfimaadka ee Deegaanada Mucaaradka ayaa sheegay in 2 Gantaal lala beegsaday Isbitaalka Al-Shifa ee ku yaalla Degmadda Afrin.

Hay’adaasi oo lagu magacaabo The Syrian American Medical Society ama loo soo gaabiyo SAMS,waxay sheegtay in Duqeymahaasi lagu burburiyey qeybaha Gargaarka Degdegga, Bukaanadda iyo Qolka ay Haweenka ku umulaan ee Isbitaalka.

PUNTLAND POST