Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xilka hayay mudda ku dhow laba sanno iyo bar, wuxu ka soo gudbay marxalado adag iyo khilaafaad siyaasadeed oo halis geliyay maamulkiisa.
Madaxweyne Deni, ayaa weli xasuusan murankii dhexmaray isaga iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed, kaas oo xilka looga xayuubiyay mooshin laga soo abaabulay Madaxtooyada.
Sidoo kale, waxa Baarlamanka laga ceyriyay 8 xildhibaan oo khilaaf siyaasadeed ka dhex abuuray Baarlamanka, kuwaas oo ka caraysiiyay Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Haddaba, ma intaas ayuu ku dhammaaday Buuqii Deni iyo Baarlamanka?
Laba maalmood kadib oo ku beegan 15 June 2021 waxa furmi doona Kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamanka Puntland, kaas oo uu si rasmiya u furi doono Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Siciid Deni, ayaa u baahan hal tallaabo in uu qaado ka hor furitaanka Kal-fadhiga 48-aad, si uu uga baaqsado buuq kale oo kaga yimaada Baarlamanka, inkastoo isagu aaminsanyahay in aysan buuq dambe samayn karin kadib ceyrintii Dhooba-daareed iyo 8-dii xildhibaan.
Tallaabada la gudboon, waa in uu buuxiyo xilalka ka bannaan Xukuumaddiisa, islamarkaana uu isbeddel ku sameeyo Agaasimayaasha guud iyo Agaasima-waaxeedyada dowladda ee aysan saamayn isbeddeladii hore.
Arrintaas waxay meesha ka saaraysaa in buuq kaga yimaado Baarlamanka, maadaama xildhibaannada badankoodu ay riixayaan dadka doonaya xilalka ka bannaan dowladda iyo boosaska isbeddelka u baahan, gaar ahaanna xilalka Agaasimayaasha guud iyo Agaasima-waaxeedyada.
WQ: Cabdiraxmaan Ciise