
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horreysay sheegay in uusan jirin musharax gaara oo wato.
Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu tilmaamay in musharaxiintu u siman yihiin, si caddaalad iyo hufnaan ku jirtana uu u fulin doono doorashada.
“Waxaan rabaan in si caddaalad, hufnaan iyo Alle ka cabsi leh u fuliyo doorashada, waxaan tusaale u soo qaadanayaa Ra’iisul Wasaarihii iga horreeyay Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo haddii ay tartamayaan waa sinnaanayaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Rooble ayaa kalsooni ka dalbaday musharaxiinta u tartamaysa doorashada la filayo in ay dhawaan dhacdo.
“Walaalahay musharaxiinta waxaan leeyahay igu kalsoonaada, anigaa idiin joogee” ayuu hadalkiisa ku daray Rooble.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu la qaatay bulshada degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.