Dad lagu laayay magaalada Dhuusamareeb

Dabley hubaysan ayaa xalay dad ku laayay gudaha magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobbolka Galgaduud, sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Rag hubaysan oo ku lebbisan dharka ciidanka, ayaa rasaas huwiyay dad ku sugnaa maqaaxi ku taal Dhuusamareeb, waxaana weerarkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Saddex ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, waxaana goobka ka baxsaday dableydii weerarka fuliyay.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas sidoo kale weli kama hadlin mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug.

PUNTLAND POST