Madaxweyne Joe Biden oo ku wajahan waddanka Ingiriiska

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Arbaco ah safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad ku aadaya waddanka Ingiriiska, halkaas oo ugu qeybgali doono shirka ururka G7 oo dooddiisa ugu badan ay noqon doonto tallaalka xanuunka COVID-19.

Biden oo socdaalkiisa Qaaradda Yurub uu qaadan doono muddo siddeed maalmood ah ayaa wuxuu kale dib ugu yagleeli doonaan xiriirkii Mareykanka iyo xulufadiisa, kaas oo xumaaday intii uu talada hayay Madaxweyne Donald Trump.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in Madaxweyne Biden uu sidoo kale 16-ka June magaalada Geneva ee waddanka Switzerland kula kulmi doona madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin, waxaana Biden qorshihiisu yahay in Putin uu kala hadlo walaaca ku saabsan weerarada madax furashada ah ee ka imaanaya Russia, faragalinta Moscow ee Ukraine iyo arrimo dhowr ah oo kale, waxaana kulanka uu noqon doona midka ugu saameynta badan inta uu safarkiisa ku jiro, maadaama Putin uu xiriir wanaagsan lalahaa madaxweynihii isaga ka horreeyay.

Biden wuxuu maalinta Khamiista ah sidoo kale kulan la yeelan doona Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, kaas oo ka dhici magaalada xeebta ah ee Cornwall, waxaana labada hoggaamiye dib u soo cusbooneysiin doonaan ‘xiriirka gaarka ah’ ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ingiriiska kaddib ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub.

PUNTLAND POST