Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed), ayaa beeniyay sheegashada xukuumadda Puntland ee ku saabsan, in ay Gobolka Sanaag ka hor-istaagtay doorashadii Somaliland.
Ex. Guddoomiye Dhooba-daareed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ku saabsan in xukuumadda Puntland Gobolka Sanaag ka hor-istaagtay doorashadii Baarlamanka iyo dowladaha hoose oo dhowaan ka dhacday Somaliland.
“Puntland kamay celin doorashada Somaliland dhulka Maakhir ee dadkaa diiday oo ku amaanan” ayuu yiri Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed)
Dhooba-daareed ayaa shacabka Gobolka Sanaag ku bogaadiyay sida ay u diideen codaynta doorashadii Somaliland, waxaana uu ku boorriyay in ay mowqifkooda adkaystaan.
PUNTLAND POST