Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Isniin ah Garoowe ka dhagax-dhigaya shan waddo oo laamiya, kuwaas oo la doonayo in dhismahooda laga bilaabo caasimadda.
Madaxweynaha oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe ayaa sida qorshaysan saacadaha soo socda dhagax-dhigaya shantan waddo oo dhowaan laami la saari doono.
Sidoo kale, Garoowe waxa ka socda barnaamijka cagaarinta caasimadda oo dhirayn loogu samaynayo magaalada, si loo hagaagiyo bilicda iyo dhallaalka caasimadda.
PUNTLAND POST