
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Garoowe ka dhagax-dhigay shan waddo oo laamiya, kuwaas oo laga hirgelinayo caasimadda.
Madaxweyne Deni waxa dhagax-dhiga ku weheliyay, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.
Wadooyinkan ayaa kala ah Wadada Necsom, Towfiiq, Injida , Jidka 30-ka iyo Wadajir. Waxaana tani qeyb ka tahay qorshaha horumarinta magaalooyinka Puntland.
Dhismaha waddooyinkan laamiga ah ayaa qorshaysan in uu dhowaan bilowdo islamarkaana si dhakhso ah loo dhammaystiro.








PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.