Doorashada Somaliland: Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Maroodi-jeex iyo Hargeysa oo la shaaciyay

Natiijada golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee gobolka Maroodi-jeex iyo degmada Hargeysa oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo sugayay ayaa goordhaweyd lagu dhawaaqay.

Golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex oo ka kooban 20 xubnood ayaa loo kala helay sidan.

Kulmiye: 8
Waddani: 7
Ucud: 5

Golaha Wakiillada Maroodi-jeex waxaa ku jira Barkhad Batuun oo ahaa musharaxii ugu hadal haynta badnaa doorashada Somaliland, wuxuuna helay codad ka badan 20 kun.

Xisbiga mucaaradka Waddani ayaa Golaha Wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 xubnood ka helay 31 kursi, halka Kulmiye helay 30 kursi, Ucid-na wuxuu helay 21 kursi.

Waxaa xusid mudan in haweenku kuraas ka helin Golaha Wakiillada cusub, waana mid wiiqeysa dimuqraaddiyada Somaliland.

Magacyada xubnaha Golaha Wakiillada Maroodi-jeex

Kulmiye

1. Axmed Maxamed Maxamuud
2. Axmed Cabdi Muuse Cige
3. Cabdikariin Maxamed Muxumed
4. Yaxye Cabdillaahi Aamiin Ismaaciil
5. Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax
6. Maxamed Xuseen Jaamac Raamboo
7. Axmed Yuusuf Nuur Guruuje
8. Cabdillaahi Sh. Muxumed Axmed.

Waddani

1. Barkhad Jaamac Xirsi Batuun
2. Axmed Dayib Aadan Guuleed (Ku caddeeye)
3. Siciid Maxamed Ismaaciil Diiriye ”Sokeeye”
4. Jamaal Aadan Diiriye Ciise
5. Eng. Axmed Cabdi Ibraahin Cige
6. Xuseen Ismaaciil Jaamac Xirsi Budul
7. Ibraahin Maxamed Jaamac.

Ucid

1.Cabdinaasir Yuusuf Cismaan
2. Maxamed Khadar Daahir Mooge
3. Maxamed Jaamac Ismaaciil
4. Maxamed Cismaan Maxamed
5. Maxamed Xasan Siciid

Dhanka kale Golaha Deegaanka Hargeysa oo ka kooban 17 xubnood ayaa xisbiyadu u kala heleen sidan.

Waddani: 7
Kulmiye: 6
Ucid: 4

Golaha Deegaanka Hargeysa waxaa ku jira Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga Waddani oo helay codadkii ugu badnaa ee musharax Somaliland helo oo dhan 26, 296 cod.

Magacyada Golaha Deegaanka Hargeysa.

Waddani

1. Cabdikariin Axmed Mooge
2. Yaasiin Cumar Yare .
4. Faysal Cabdiraxmaan
5. Cabdi Maxamed Faarax
6. Mawliid Maxamed Giire
7. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed.

Kulmiye

1. Aadan Jaamac Modeeye
2. Siciid Jaamac Cali
3. Cabdiraxmaan Soltelco.
4. Jamaal Cismaan Cabdille
5. Axmed Juxa
6. Maxamed Abiib Siikaawi.

Ucid

1. Siciid Cabdisamed Cudhay
2. Xuseen Ibraahim Askar
3. Cabdikariin Xasan Garas
4. Khadar Axmed Cumar


PUNTLAND POST