Xoogagga Taliban oo qabsaday degmo ka tirsan Afghanistan


Dagaal-yahannada Taliban ayaa jimcihii shalay qabsatay degmo ku taal koofurta waddanka Afghanistan, kadib markii ay halkaas isaga carareen ciidanka ammaanka ee dowladda Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga ee koofurta gobolka Zabul oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa warbaahinta u xaqiijiya in dagaalyahannada Taliban ay soo galeen degmada Shinkay subixii hore ee Jimcaha, kaddib markii ciidmada dowladda ay dib uga gurteen.

Shinkay ayaa noqonaysa degmadii todobaad oo ay si buuxda ula wareegeen xoogagga Taliban tan iyo markii ciidamada Maraykanku ay bilaabeen in ay ka baxaan waddanka Afghanistan.

Afhayeenka Taliban Yousaf Ahmadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dagaalyahannadooda ay sidoo kale qabteen shaqaalihii ammaanka, laakiin ma sheegin tiradooda, hase yeeshee sheegashada Taliban ee qabsashada shaqaalaha ammanka ayaan weli la xaqiijin karin.

PUNTLAND POST