Qarax bam-gacmeed ah oo habeenimadii xalay lagu qaaday gaari marayay caasimadda Afganistan ee Kabul ayaa waxaa ku geeriyooday gabar saxafiyad ah oo u shaqeyneysay TV maxalli ah iyo hooyadeed, waxaana ku dhaawacmay walaasheed.
Mina Khairi ayaa u shaqeyneysay Ariana News seddexdii sano ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta TV-gaas.
Guddiga Badbaadada Suxufiyiinta Afghanistan ayaa bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyay geerida gabadhaas suxufiyadda ah iyo hooyadeed.
Sidoo kale, ururka ayaa si adag u cambaareeyay qaraxa lagu dilay gabadha weriyaha waxaana ay ku baaqeen in dowladd u si dhab ah u baarto dhacdadaas.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan, waxaana ugu baaqeynaa dowladda inay si dhab ah u baarto” ayay ku yiraahdeen qoraalka.
PUNTLAND POST