Hay’adda FAO oo ka digtay Ayax diigaanyo ah oo ku wajahan Soomaaliya

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa ka digtay Ayax diigaanyo ah (fara badan) oo ku wajahan qayba kamid ah dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa waxa lagu sheegay in kastoo meelo kamid ah Soomaaliya & Itoobiya uu ka da’ay roob taasina ay yareysay cabsida laga qabay ayaxa hadana in  laga cabsi qabo in Soomaaliya & Itoobiya markale lagu arko ayax farabadan oo dhibaatoyin kala duwan geysta.

Hay’adda FAO ayaa qiimaysay saameynta uu bariga Itoobiya iyo Waqooyiga Soomaaliya  ka geystay Ayaxa, sidoo kalena labada dal uu Ayaxa kuso wajahan yahay dabayaaqada Bisha aan ku jirno ee June.

Sida laga soo xigtay FAO, hawlgallada hawada ka sokow, sahminta dhulka iyo kooxaha xakamaynta ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona helitaanka iyo yareynta Ayaxaka ka hor inta uusan si xoog ah u soo gaarin Somaaliya.

PUNTLAND POST