Milatariga Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Shabaab

Ciidamada Milatariga Soomaaliya, ayaa guulo ka sheegtay dagaal saacadihii la soo dhaafay iyaga iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.

Af-hayeenka Ciidamada Milatariga Cornayl Cali Xaashi, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaas Ciidamadu ku dileen in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada waxa ay ka dagaalameen aagag fara badan, jab xoogleh ayaana u geysanay argagixisada Al-Shabaab, dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Warta Jilaable oo hadda noqotay meel dhiigooda uu qariyay biyaha Warta” ayuu yiri Kornayl Cali Xaashi.

Af-hayeenka ayaa sheegay in dagaalka xooggiisu ka dhacay Warta lagu magacaabo Jilaable, halkaas oo Al-shabaab gabbaad ka dhigteen kadib markii laga saaray tuulooyin badan.

Kornayl Cali Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in ay Warbaahinta la soo wadaagi doonaan qasaaraha dhabta ah ee ay ciidamada u geysteen Al-Shabaab, kadib markii ay hawgalka so oaf-jaraan.

PUNTLAND POST