Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.
Ra’iisul wasaare Rooble, waxa safarka ku weheliya wasiirka Gargaarka dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abukar Dubbe iyo mas’uuliyiin kale.
Safarka Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa, ayaa ku saabsan qiimaynta iyo u kuur-gelidda khasaaraha ka dhashay fatahaadda webiga Shabeelle ka sameeyay degaanno ka tirsan Jowhar, kuwaas oo go’doon geliyay magaalada.
PUNTLAND POST