Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay bam-gacmeed xalay lagu weeraray bar-kantarool oo ku taalla magaalada Kismaayo, sida laga soo xigtay laamaha Amniga Jubaland.
Bam-gacmeedka ayaa sida wararku sheegayan fiidnimadii xalay lagu tuuray Isgooyska Soomaali Istaar ee gudaha Kismaayo, halkaas oo ah bar-kantarool oo laga sugo Amniga magaalada.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay, todoba kalena waa ku dhaawacmeen bam-gacmeedka, waxaana durba goobta hawlgal ku tegay ciidanka Booliiska Jubaland.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan inta badan weerarada ka dhaca magaalada Kismaayo.