
Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab Faarax oo ahaa taliyihii ururka 6-aad guutada Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa galabta lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Labo Buroole oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana geerida sarkaalka xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe oo yiri “Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab galabta ayuu geeriyooday isaga oo cadawga la dagaalamaya oo dalkiisa iyo dadkiisa difaacaya”.
Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa ka mid ahaa ciidamo dhawaan tababar ku soo qaatay dalka Turkiga.
Geerida marxuum Cabdiwahaab ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo baraha bulshada ee Soomaalida.
Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.