Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Jowhar

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Socdaalka Ra’iiusul wasaare Rooble iyo wefdigiisa, ayaa ku saabsan u kuur-gelidda xaaladda banii’aadanimo ee ka dhalatay fatahaadda webigu ka sameeyay degaanno ka tirsan magaalada Jowhar.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu halkaas u tegi doono arrima la xiriira xallinta khilaafaad siyaasadeed oo ka jira gudaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa isna shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar.

PUNTLAND POST