Dabley hubaysan ayaa todobaadkan bartamaha waddanka Nigeria ka af-duubtay in ka badan 136 arday oo da’yar ah.
Dowlada Nigeria ayaa maanta sheegtay in Isniintii todobaadkan rag huebysan ay Tegina ee bartamaha Nigeria ka afduubteen carruurtaas ardayda ah.
Maamulka degmada Tegina ayaa sheegay in duullaanka lagu qaaday aysan markii hore cadeyn karin tirada rasmiga ah ee carruurta la qafaashay.
Sida ay sheegtay dowladda Nigeria, burcada hubeysan ayaa argagax ku haya dadka deggan waqooyi-galbeed iyo bartamaha Nigeria, kuwaas oo bililiqo iyo dhac u geysta xoolaha iyo tuulooyinka, isla markaana dadka qafaasha.
PUNTLAND POST