Nabad-sugidda Jubaland oo qaraxyo fashiliyay

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay miinooyin lagu aasay gudaha magaalada Kismaayo.

Hay’adda Nabad Sugidda Jubaland ayaa sheegtay in miinooyinkan laga soo saaray xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo gaar ahaanna waaxda Kuuba.

Jubaland waxay Al-shabaab ku eedaysay in ay qaraxyadan maleegayeen si weeraro looga fuliyo gudaha Kismaayo.

PUNTLAND POST