
Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka warbixiyay hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaanka Ceelbacad ee degmada Buula-burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan
Taliyaha Qaybta 27-aad ee ciidamada Milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Gen. Tareedhisho, ayaa warbaahinta u sheegay hawlgalkaas qorshaysan lagu beegsaday dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo khasaare kala duwan la gaarsiiyay.
Gen. Tareedhisho ayaa tilmaamay in hawlgalka lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo Al-shabaab ah, halka tiro kalena lagu dhaawacay.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in howlgalka Ciidamada ay kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay lahaayeen Al-Shabaab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.