Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa si adag uga digay mas’uuliyiinta xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, in ay shaaciyaan natiijo aan ka soo bixin guddiga.
“KDQ waxa uu ka digayaa in cid aan ahayn Mas’uuliyiinta Komishanka ee heer Degmo, Gobol iyo Qaran aannay isku dayin Sheegista Natiijooyin aan sugnayn.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay guddiga.
Sidoo kale, guddiga ayaa mas’uuliyiinta kala duwan uga digay in aysan isku-dayin sheegidda natiijooyin aan sugnayn oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka.
“waxa uu ka digayaa in cid aan ahayn Mas’uuliyiinta Komishanka ee heer Degmo, Gobol iyo Qaran aannay isku dayin Sheegista Natiijooyin aan sugnayn.”
Digniinta guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa ku soo beegmatay saacado kadib markii qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda iyo xisbiyada ay sheegeen natiijooyin la xiriira doorashada.
PUNTLAND POST