Baarlamanka Jubaland oo ansixiyay Golaha cusub ee Wasiirada Maamulka Jubaland

Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland ayaa maanta oo Arbaco ah ansixiyay Golaha cusub ee wasiirada Maamulka Jubaland.

Xildhibaannada oo Kulan ku yeeshay Xaruntooda magaalada Kismaayo ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Xukuumadda Jubaland.

Golaha Wasiirada Jubaland oo uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa isu’gu jira xubno hore u soo shaqeeyay iyo kuwa ku cusub Maamulka.

PUNTLAND POST