
Muqdisho (Wararka PP) — Guddiga Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga muujiyay ee ku jira guddiyada doorashooyinka ee federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa soo badhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen dhinacyada siyaasadda iyo noocyada cabashada laga muujiyay.
Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa sheegay in ay soo gaareen 67 xubnood oo isugu jira saddexda guddi heer federaal, heer dowlad goboleed iyo khilaafaadka oo ay u soo gudbiyeen dhinacyada siyaasadda.
Waxa uu sheegay in 61 kamid ah xubnahaas ay cabasho ka keeneen Midowga Musharrixiinta, halka 4 xubnood uu cabasho ka keenay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, 2-da xubnood oo kalana ay cabasho ka qabaan guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale Afhayeenka guddiga ayaa sheegay in xubnahan lagu eedeeyay saddex arrimood oo kala ah in ay qaar ka tirsan yihiin ciidamada, qaarna shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo kuwa lagu soo eedeeyay in ay taageerayaal siyaasiyiin yihiin.
Hoos ka akhriso magacyada xubnaha la soo bandhigay


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.