Qardho: Dad safaf ugu jira isdiiwaangelinta
Diiwaangalinta codbixinta degmada Qardho ee gobolka Karkaar oo soo bilaamatay 16-kii May ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana la gudageli doonaan tirinta dadka isdiiwaangeshay iyo samaynta kaararkooda.
Madaxweyne Deni oo isdiiwaangeliyay
Madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha urur siyaasadeedka Kaah, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kamid ahaa dadkii iska diiwaangeliyey xaafada Kaambo ee degmada Qardho, si uu codkiisa uga dhiibto doorashada hordhaha goleyaasha deegaanka oo la filayo in ay dhacdo bartamaha sanadkan.
Dhanka kale degmooyinka Eyl iyo Uffeyn ayaa weli si habsamiya uga socotaa diiwaangelinta codbixinta. Guddiga ku meelgaar ah doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay maalmaha diiwaangelinta codbixinta saddexda degmo.
Eyl: Dad safaf ugu jira diiwaangelinta
Diiwaangelinta ayaa markii hore loo qoryeeshay labo todobaad, waxaase markii dambe degmo walba loogu daray afar maalmood, markii ay aad u bateen dadka isdiiwaangelinaya.
Reer guuraa habeen la diiwaangelinayo
Kooxaha guurguura ee shaqaalaha diiwaangelinta ayaa mararka qaar reer guuraaga diiwaangelinayay xili habeen ah, maadaama qaar kamid ah reer miyigu aysan maalin fursad la hayn oo xoolo raacato yihiin.
Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax oo kamid ah dadka iska diiwaangeliyay Uffeyn
Mudadii ay socotay diiwaangelinta dad badan ayaa ka safray magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, kuwaas oo deegaan doorashooyinkoodu yihiin degmooyinka Qardho, Eyl iyo Uffeyn.
Dhawaan ayaa la filayaa in xubnaha sare ee guddiga TPEC ka fariistaan astaynta mudada ay qabsoomi doonto doorashada hordhaca ah ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Uffayn.
PUNTLND POST
You must be logged in to post a comment.