Dowlad goboleedka Galmudug ayaa kala diray guddi qaabilsanaa dhismaha golayaasha degaanka maamulkaas kadib markii khilaaf kala dhexgalay guddiga.
Wareegto ka soo baxday wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Galmudug ahna ku-simaha wasiirka ayaa lagu kala diray guddiga farsamada dhismaha golayaasha degaanka degmooyin ka tirsan Galmudug.
Kala dirista guddiga ayaa loo cuskaday kadib markii uu dhammaan waayay khilaafka dhex-dooda ah kaas oo ku salaysan hannaanka loo marayo dhismaha golayaasha degaanka.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.