
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka codkiisa ka dhiibtay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu horey uga qaatay kaarka codbixinta, iyadoo guud ahaan Somaliland maanta looga dareeray doorashada wakiillada iyo deegaanka ee isku sidkan.

Muuse Biixi oo markii uu codeeyay kadib la hadlay warbaahinta, isagoo uu wehelinayo gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa shacabka kula dardaarmay in ay nabad ku codooyeen.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in maanta caalamku indhaha ku hayo doorashada Somaliland.
Sidoo kale guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa codkooda ka dhiibay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee Hargeysa.

Isu socodka gaadiidka ayaa maanta xiran Somaliland, marka laga reebo kuwo guddiga doorashada.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.