Dowladda Shiinaha oo laashay sharci ku saabsan Dhalmada

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay maanta oo isniin in muwadiniinteeda loo ogolaaay inay dhali karaan hadda kadib 3 carruur ah.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in go’aankaan uu qeyb ka yahay siyaasadda  guud ee wax looga qabanaayo Gabowga kusoo badanaaya dadka Shiinaha .

Dowladda ayaa intaas ku dartay inay taageeri doonto hirgeinta go’aankaan cusub.

Dowladda Shinaha ayaa 2016-kii ogolaatay in la dhali karo 2 carruur kadib markii ay yaraadeen dhalinyarada dalkaas.

Waxaa xusid mudan in dowladda Shiinuhu mamnuucday 1979-kii in la dhalo hal cunug ka badan, si looga yareeyo kororka dadka Shiinaha.

PUNTLAND POST