Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay guddi qaabilsan qiimaynta xubnaha ka tirsan guddiyada doorashooyinka heer Federaal ee cabashadu ka jirto.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa lagu sheegay in la magacaabay in Guddiga uu xaqiijinta doono caddeymaha ku saabsan xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto
“Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.
Waxa xusid mudan, in aan weli la shaacin magacyada xubnaha ku jira Guddiga qaabilsan xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto.
PUNTLAND POST