Chelsea oo markii labaad ku guuleysatay horyaalka kooxaha Yurub

Kooxda Chelsea ayaa caawa ku guuleysatay horyaalka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league, markii ay 1-0 uga adkaatay kooxda ay Ingiriiska kawada dhisan yihiin ee Manchester City.

Chelsea waxaa guusha u horseeday da’yarka reer Jarmal ee Kai Havertz oo daqiiqadii 42-aad ee qeybtii hore ciyaarta goolka u dhaliyey.

Waa markii labaad taariikhda (2012-2021) oo Chelsea ku guuleysato tartanka horyaalka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league.

Manchester City oo ku haminaysay in ay sanadkan markii ugu horreysay ku guuleysato Champions league ayaa weli inkaari ka haysataa tartankan.

PUNTLAND POST