Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa magaalada Jabuuti kulan kula qaatay dhiggiisa waddankaas, Ismaaciil Cumar Geelle, arrintaas oo qayb ka ah dadaalka diblomaasiyadeed ee Masar ay ku dooneyso inay sameysato xulafo dheeraad ah oo reer Afrika ah xilli uu cirka isku sii shareerayo muranka kala dhaxeeya Itoobiya.
Booqashada Al-Sisi uu ku tagay waddanka ku yaalla geeska Afrika, waxay noqotay tii ugu horreysay ee uu madaxweyne Masaari ah sameeyo tan iyo markii ay Jabuuti xornimadeeda qaadatay sanadkii 1977-kii.
Arrintani waxay abuurtay hadal heyn ay wadaan qaar ka mid ah warbaahinta caalamka oo ku aaddan in Masar ay ka fikireyso sidii ay awood ugu adeegsan lahayn Itoobiya.
Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmay, xilli ay weli aloosantahay xiisadda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ee salka ku heysa dhismaha iyo buuxinta biyo xireenka ay ku adkeysaneyso Addis Ababa halka Qaahira ay hanjabeysay.
PUNTLAND POST