
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wakiilada kala duwan ee Beesha Caalamka.
Shirka dhexmaray Hoggaaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo ka qabsoomay Xarunta AFISYOONI ee Muqdisho, waxa looga hadlay hirgelinta Hannaanka Doorashooyinka Soomaaliya, kadib markii Heshiis laga gaaray murankii ka taagnaa Arrimaha Doorashooyinka.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in Shirka looga hadlay hirgelinta Heshiiskii Doorasho ee la gaaray iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen Beesha Caalamku gaar ahaan taageerada looga baahanyahay dhinacooda.
“Kulanka oo ka dhacay Teendhada Afisyooni, Madaxda Soomaaliyeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka wada hadlay hirgelinta heshiiskii Doorasho ee la gaaray iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen gaar ahaan taageerada looga baahanyahay dhinacooda.” Ayaa lagu yiri Qoraalkas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.