Kulanka caawa Man City iyo Chelsea ee kama dambeysta horyaalka Yurub

Indhaha mucaashaqiinta kubbadda cagta caalamka ayaa sii jeeda gegida Estádio do Dragão magaalada Porto ee dalka Portugal, halkaas oo caawa lagu soo xirayo tartanka xiisaha iyo xamaasada badan horyaalka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga.

Tartankan waxaa caawa midkood ku guuleysan doonaa kooxaha reer England ee Manchester City iyo Chelsea oo soo gaaray kama dambeysta (final) tartankan, Manchester City ayaa u hanqal taageysa in ay markii ugu horreysay ku guuleysato koobkan, halka Chelsea ay dooneyso in ay markii labaad ku guuleysato tartankan sagaal sano ka dib.

Sidoo kale Manchester City ayaa raadinaysa in koobkeedii saddexaad xilli ciyaareedkan ay hantido, iyadoo hore ugu soo guuleysatay Premier League-ga iyo Carabao Cup xlli ciyaareedkan, halka Chelsea ay u dagaallamayso in aanay xilli ciyaareedka ku dhamaysanin koob la’aan.

Labada tababare, Pep Guardiola iyo Thomas Tuchel ayaa koobkii ugu horreeyey ku dagaalami doona, Thomas Tuchel oo sanadkii labaad oo xiriir ah yimid final-ka tartankan ayaa markan ku hamiyaya in aan laga guuleysan, halka Guardiola uu rabo in uu rumeeyo riyada Manchester City ee ah in ay markii ugu horreysay sanadkan ku guuleysato Champions league-ga.

Manchester City iyo Chelsea hal mar oo kaliya ayay ku kulmeen tartamada Yurub, waxayna ahayd xilli ciyaareedkii 1970-1971, markaas oo ay iskugu yimaaddeen semi-finalka koobkii la oran jiray European Cup, xiligaas waxaa labadii kulanba 1-0 ku badisay Chelsea.

Labada kooxood waxay xilli ciyaareedkan tartamadii la soo ciyaaray kulmeen saddex jeer, Chelsea ayaa labo kulan oo FA Cup iyo Premier League-ga ah badisay, halka Manchester City ay hal mar guuleysatay. Tartamada guud waxay wada ciyaareen 166 jeer,  Chelsea ayaa 68 jeer guuleysatay, halka ay Manchester City badisay 58 kulan, waxayna barbaro galeen 40 kulan.

Manchester City waxaa u safan doona caawa Ederson, Walker, Stones, Rúben Dias, Zinchenko, Bernardo Silva, Fernandinho, Gündoğan, Mahrez, De Bruyne iyo Foden, halka ay Chelsea u safan doonaan Mendy, Christensen, Thiago Silva, Rüdiger, Azpilicueta, Jorginho, Kanté, Chilwell, Pulišić, Werner iyo Mount.

Kulanka ayaa dhici doona marka ay goor sheegtu tahay 10pm saacadda Geeska Afrika, waxaana dhexdhexaadin doona ama garsoore ka ah Antonio Mateu oo u dhashay dalka Spain.

Covid-19 awgiis ayaa gegida uu ka dhacayo kulanku noqon doontaa mid maran, waxaana taageerayaasha labada kooxood iyo dadka kale ee xiiseeya kubbadda cagta ka daawan doonaan shaashadaha.

PUNTLAND POST